1134 Views

Kenya: “Norway waxaa ay laba wajiileyn ku heysaa Somaliya iyo Kenya”

Kenya: “Norway waxaa ay laba wajiileyn ku heysaa Somaliya iyo Kenya”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 18,, 2019  –Dowladda Kenya ayaa mar kale weerar afka ah ku qaadday Dowladda Norway waxaana ay ku eedeysay in ay iska dhigeyso dal ka qeyb qaadanaya nabadda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya oo la hadlay Wargeyska Daily Nation hayeeshee magaciisa qariyay ayaa sheegay in Kenya aysan ku faraxsaneyn hab dhaqanka dowladda Norway ay ka dhex waddo Soomaaliya iyo Kenya.

Sarkaalkaas ayaa sheegay in Sharikadda DNO ee ay leedahay Dowladda Norway si toos ah uga dambeyso muranka dhinaca Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya ruqsad uga heysato in ay shidaal ka baarto halka ay ku muransanyihiin labada dal.

Kenua waxaa intaas ku dartay in doodda Soomaaliya ee ku aaddan halka lagu muransanyahay ay salka ku heyso dano ganacsi,waxaana ay ku baaqday in Soomaaliya ay Ruqsadda kala noqoto sharikaddaas.

Dhinaca kale Golaha amaanka ee Qarama Midoobey ayaa dowladda Kenya uga digay sii hurinta khilaafka labada dal oo sababi kara in amaanka gobolka uu faraha ka boxo.

Isha: Daily Nation

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment