507 Views

Golaha wasiirada oo la filayo inay shir ka yeeshaan ciidanka la geeyay Beledweyne.

Golaha wasiirada oo la filayo inay shir ka yeeshaan ciidanka la geeyay Beledweyne.
____________________________________________________________________________


khamiis: January 27, 2022

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in shir aan caadi aheyn ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa tallaabadii ciidamada lagu geeyay magaalada Beladweyne iyo ku milinka siyaasadda ee talisyada Milateriga Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay in golaha wasiirada Soomaaliya ay go’aan ka soo saari doonaan xiisada ka taagan magaalada Beledweyne.

R/Wasaare Rooble ayaa xalay qaar kamid ah siyaasiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo wasiirka arrimaha gudaha u sheegay in uusan waxba kala socon go’aankii ciidamada lagu geeyay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo ka tirsan dowladda soomaaliya ayaa shalay la geeyay magaalada Beledweyne, iyadoona weli xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaaladaasi, maadaama magaalada ay joogaan maleeshiyaad diidan dhismaha maamulka Hirshabelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post