1326 Views

Xildhibaan Sheegay In Uu Dacwad Ka Gudbinayo Wasiir Cabdullahi Goodax Barre

Xildhibaan Sheegay In Uu Dacwad Ka Gudbinayo Wasiir Cabdullahi Goodax Barre
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 07, 2019 –Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaf ku tilmaamay hadal dhiilo watay  uu Golaha Shacabka uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ahna ka tirsan Golaha Shacabka Cabdullahi Goodax Barre.

Xildhibaan Goodax oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Golaha Shacabka markii kulankii Baarlamaanka loo xiray fowdo ay dhigeen qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa ku tilmaamay Xildhibaanadaas inay la shaqeeyaan Al-shabaab.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmad ayaa sheegay in hadalka Wasiir Goodax uu yahay eedeyn  culus oo u baahan in si deg deg ah ay guddiga anshaxa ugu sameeyaan baaritaano.

Xildhibaanka aya sheegay inuu isag si gaar ah farta ugu goday, isagoo Shabaab ku tilmaamayay sida uu hadalka Xildhiban Yuusf,isla markaana sheegay in uu Dacwad kusoo Oogi doono.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Yuusuf Xuseen Axmad in Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre in uusan harsan doonin ilaa xasanada xubinimada Xildhibaanka laga qaado.

Hadaalkan Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmad ayaa yimid kadib markii Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ahna ka tirsan Golaha Shacabka Cabdullahi Goodax Barre shalay tirro Xildhibaano ah ku tilmaamay inay la shaqeeyaan Al-shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment