1140 Views

Boolis ku sugan Gobolka Tigaray oo BBC-da u sheegay inay halkaasi cunno la’aan ka jirto

Boolis ku sugan  Gobolka Tigaray oo  BBC-da u sheegay inay halkaasi cunno la’aan ka jirto
____________________________________________________________________________

June 6 2021

Boolis ku sugan degmo ku taalla Gobolka colaadda daashatay ee Tigaray ayaa BBC-da u sheegay inay halkaasi cunno la’aan ka jirto sidaas darteed qofka kasta oo deegaankaasi ku nool wuxuu qarka u saran yahay macalluul.

Dadka degmada Qafta Humera oo ku taalla Miyga fog ayaa sheegay in rag hubeeysan ay cuntadoodii iyo xoolahoodiiba ka dheceen.

Waxay sheegeen in xitaa ay arkeen gawaari ay saaran yihiin raashin mucaawino ah balse aanay dhag jalaq u siinayayn inay istaagaan oo caawiyaan dadkan tabbaalaysan.

Dadka qaar ayaa waxay isku dayeen inay gaaraan magaalada ugu dhaw ee Shire, hase yeeshee waa ay u suurogeli weysay sababo la xiriira baraha kaantarool ee ay sameeysteen kooxaha iska soo horjeeda, waa ciidamada Itoobiya iyo xoogagga daacada u ah maamulkii hore ee Gobolka Tigray.

Waxay ay dowladda iyo hay’adaha gargaarka ka codsanayaan inay si deg-deg ah u caawiyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post