534 Views

Biyaha Zamzam-ka oo awaamiir laga soo saaray

Biyaha Zamzam-ka oo awaamiir laga soo saaray
____________________________________________________________________________

Talaado: May 24, 2022

Iyada oo ay jirto xayiraada weli saaran xujayda iyo xujeyda Cumrada, ayaa maamulka Sucuudigu waxa ay hadda sidoo kale mamnuuceen in lagu dhex wato dhalooyinka biyaha ZamZam-ka ee barakeysan iydoo dhawaan ay bilaaban doonto bisha Dul Hijjah oo ah bisha xajka Islaamka.

Talaadadii, Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka (GACA) ayaa soo saartay wargelin ku saabsan hab-raacyo cusub oo si rasmi ah uga mamnuucaya Xujaayda Xajka iyo Cumrada in ay dhalooyin ay ku jiraan biyaha ZamZam aysan uu qaadan karin guryahooda.

Amarkan oo ku taariikheysan 17-ka May waxa uu ku waajibinayaa dhamaan shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala Sucuudiga in ay si adag u xaqiijiyaan in rakaabka ku safraya Jeddah ama garoon kasta oo kale oo Boqortooyada ku yaala aanu wadanin dhalooyin ay ka buuxaan biyaha ZamZam-ka.

Qofkii lagu helo in uu ku xad gudubay wareegtadan, waxaa ay dowaladda sacudiga ka qaadi doonta,tilaabo adag oo sharci ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post