708 Views

Waare oo sheegay in la afduubtay doorashada Hir-Shabeelle

Waare oo sheegay in la afduubtay doorashada Hir-Shabeelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 04, 2020 –Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maalin, kaddib faah faahin ka bixiyay sababihii keenay in uu iska casilo xilkii Madaxweynaha Hir-Shabeelle xilli ay socdaan howlaha doorashooyinka.

Waare ayaa marka hore sheegay in uu waqti badan geliyay Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle si loo helo maamul nidaam & amni kala duwan leh, hayeeshee taasi ay socon weysay.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in  uu ka tanaasulay xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle, iyada oo ay u harsan tahay muddo hal Sano ah, sidoo kalena uusan xilligaan  aheyn musharax Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Waxaa uu sheegay in sida ay hadda Jowhar wax uga socdaan uu dhowr jeer dalbaday in la hakiyo si loo helo Maamul Hir-Shabeelle ah oo ku dhisan dib u heshiisiin iyo mid la isku raacsan yahay, balse dhej jalaq loo siin, isla markaana dad gaar ah ay gacanta u gashay doorashada Hir-Shabeelle

“ Neefa Xoolaha markii uu caatoobe oo Cudur iyo gaajo isugu darsamo heer wuxuu gaaraa maqaarkiisu ka qiimo badan yahay neefka oo dhan, marka Hir-Shabeelle waxaa hadda lagu dagaalamayo waa 45 Kursi ee taalla, tii horana ee 2016-kii saas ayay aheyd ayuu yiri” Waare.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post