5544 Views

Kooxda kubadda cagta ee Jubba (Atlanta) oo 6 sano Jirsatay!

Kooxda kubadda cagta ee Jubba (Atlanta) oo 6 sano Jirsatay!
____________________________________________________________________________

Atlanta, GA, USA| June 8, 2016 –  Xaflad aad iyo aad u heer sareysay ayaa waxa la gu qabtay Magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka taa oo logu dabaaldegaayey sanadguuradii Lixaad ee ka soo wareegatay markii udubadda loo taagay Kooxda Kubadda Cagta ee Juba ee ka dhisan Magaaladda Atlanta kuwaa oo ay da’doodu u dhaxeysao 10 Jir illa 14 jir oo runtii ah kuwa u jajaban Kubadda cagta lana filaayo in ay ka gaaraan heer wanagsan mustaqbalka dhaw iyado la rajeynaayo in ay matalaan Magaaladda Atlanta Tartamadda lagu qabto Magaalooyinka Mareykanka iyo Kanada.

jubba-atlanta-1

Waxa Xafladaasi warbixin dheer ka jeediyey Tababaraha 1aad ee Kooxdaasi Mudane Cabdulqaadir Xasan Cadde (Caydiid Jeenyo) oo ka mid ah shaqsiyaadka taarikhda wanagsan ku leh Ciyaarta Kubadda Cagta hadana ka mid ah Tababarayaasha aqoonta durugsan u leh Kubadda Cagta isagoo marka hore amaanay Tababare Cabdiqani Abuu sida uu ugu dadaalo fulinta qorshayaasha ku wajahan sare u qaadida farsamadda iyo Maamulka ee Kooxda Juba,

jubba-atlanta-2

Mudane Caydiid waxa uu ka warbixiyey carbintii iyo leylintii Kooxdani taa uu sheegay in ay marka hore diiradda saareen farsamooyinka aasaasiga ah sida Xukunka Kubadda,isu dhiidhiibidda gaagaaban,isticmaalka labada lugood (Bidix Iyo Midig), dhiibidda sugan,Madaxeynta Kubadda,habka dhiib iyo dhaqaaq (Pass and Move) la orodka Kubadda si xawli ah iyadoo aan la lumineynin aragtiga garoonka iyo dhadhaqaaqa Ciyaartoyda wada jaalka ah kuwaa oo dhan waan ku guuleysanay iyadoo weli aanu si buuxda aanan u gaarin hadafkeena laakiin waxaan ku soconaa wadiiqad sax oo aan ku tiigsan karno barta la tiigsanaayo,Mudane Caydiid waxa uu kala dul dhacay waalidiinta Caruurta oo runtii dadaal biyo kama dhibcaan muujiye oo la’aantood la gaareen guushaan aan maanta ku naalooneyno,isago ka codsaday in la laba jibaaro dadaalkaasi waayo markaan waxa soo dhaw waqtigii aan guran laheyn mirihii waqtiyadda badan aan sugeynay,waxaana halkaa Mr. Caydiid loogu tumay sacab aan u balaaran.

jubba-atlanta-3

Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Mudane Aweys Muse Arbow(Aweys Fundi) oo ka mid ahaa difaacii darbiga ahaa ee kooxdii Kubadda Cagta ee Horseed isla markaana xubin aka ahaa Xulkii Qaranka Kubadda Cagta ee Soomaalia ayaa waxa uu marka hose u mahad celiyey tababarayaasha kala ah Caydiid iyo Cabdiqani oo runtii qabtay shaqo aad iyo aad u hufan oo runtii bulshoweynta reer Atlanta ay abaal uga hayaan isagoo ku booriyey in halkaa laga wado madaama aanu guusha ay noo soo bidhaameyso,waxa kaloo isagoo qiireysan uu cadeeyey in dadaalka waalidiinta uu yahay midka saldhiga u ah guushaan iyo damaashaadka aanu ugu dabaaldegeyno sanadguuradii lixaad ee kooxdeyna Juba,isagoo ku booriyey in mar kastaba waqti badan loo huro isboortiga oo dhalaanka ka badbaadinaayo in ay raacaan wadiiqooyin waxyeeli kara mustaqbalkooda.

?
?

Ugu dambeyntii waxa halka khudbad ka jeediyey Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka Dr. Cali Cusmaan Cali isagoo diiradda saaray sida tababarayaasha Caydiid-Cabdiqani ay uga soo dhalaaleen xilka wayn ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed ee reer Atlanta,waxaana uu u sheegay in taarikhda reer Atlanta ay ka galeen meel xurmad leh oo mar kastaba lagu qadarin doono,sidoo kale Dr. Cali Cusmaan waxa uu aad carabka ugu adkeeyey doorka shariifka ah oo ay qaateen waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurta Juba oo u huray waqti badan si dhalaankooda ay uga qeyb galaan tartamadda Isboortiga taa oo runtii ay ku amaanan yihiin,ugu dambeyntii Dr. Cali Cusmaan ugu hambalyeey dhamaan sanadguuradda 6aad ee Kooxda Kubadda Cagta ee Juba isagoo u rajeyey in ay ku waaraan bash-bash iyo baraare,xafladiina waxay ku soo dhamaatay reyn-reyn iyo guul.

jubba-atlanta-5 jubba-atlanta-7 jubba-atlanta-6

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment