210 Views

Taliyaha CID-da ee gobolka Mudug oo isku day dil ka badbaaday Xili uu ku sugnaa Garoowe

Taliyaha CID-da ee gobolka Mudug oo isku day dil ka badbaaday Xili uu ku sugnaa Garoowe
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 14, 2022

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas xalay saq-dhexe ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taas oo lagu furay guri uu magaaladaasi ka dagan yahayn taliyaha CID gobolka Mudug Mahad Cabdi Jaamac.

Wararka ayaa sheegaya in falkan ay ka dambeysay koox cabtoy ah oo weerar ku qaaday guriga taliyaha, kadibna goobta isaga baxsatay.

Ugu yaraan hal askari oo ka mid ah ilaalada taliyaha ayaa falkan ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in haatan ay wadaan baaris dheeraad ah, islamarkaana ay ku daba jiraan kooxihii ka dambeeyey dhacdadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in la doonayey in falkan lagu khaarijiyo  taliyaha CID ee gobolka Mudug, balse uu ka badbaaday isku daygaasi dilka ah.

Garoowe oo ah xarunta  Nugaal iyo caasimada Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu xasiloon dhanka amniga, walow mararka qaar ay shaqaaqooyin ka dhacaan.

Si kastaba, deegaanada maamulka Puntland ayaa waxaa ku badan ka dhacay iska horimaadyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, ayada horey taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho  loogu dilay dagaal ciidamada amaanka maamulkaas ay la galeen koox cabtoy ah oo sidoo kale ka ganacsatada Qamriga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post