1044 Views

Xildhibaan Maareeye oo ku gacan seyrey is doorashada xubnaha guddiga doorashada reer waqooyiga

Xildhibaan Maareeye oo ku gacan seyrey is doorashada xubnaha guddiga doorashada reer waqooyiga
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 4, 2021

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku wargeliyay 11-ka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka xildhibaannada gobollada Woqooyi ee Soomaaliland in doorashada Guddoonka Guddiga la qaban doono maalinta Sabtida ah ee fooda nagu soo haysa, iyadoo ka dhici doonta xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Arintan ayaa imaanaysa maalin uun kadib markii Ra’siul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble uu kulan la qaatay 11-ka xubnood ee Guddiga oo horey isugu khilaafay qaabka ay isu dooranayaan.

Durbana siyaasiyiinta reer Woqooyiga ee uu hogaamiyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdiilaahi ayaa ka soo horjeestay in 11 ka xubnood is doortaan, iyagoo taa badalkeeda codsanayay in 8 kaliya iska dhex doorato guddoonka Guddiga.

Haddaba si aan u ogaano cabashada iyo faahfaahin waxaan khadka talefoonka kula xiriirnay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post