597 Views

Booqasho uu Serbia ku tagi lahaa wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo la baajiyay

Booqasho uu Serbia ku tagi lahaa wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo la baajiyay
____________________________________________________________________________

Isniin: June 6, 2022

Booqasho uu Serbia ku tagi lahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa la baajiyay kadib markii wadamada ku teedsan dalalka Balkanka ay hawadooda ka xireen diyaaradiisa, sida ay sheegtay warbaahintu.

Waqooyiga Macedonia, Bulgaria iyo Montenegro dhamaantood waxay diideen inay u oggolaadaan diyaaraddasiday wasiirka arimaha dibadda Ruushka inay isticmaasho hawadooda, sida ay werisay Axaddii warbaahinta seerbiya.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ee la xiriirta baajinta safarka wasiirka arimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa lagu waday inuu maanta oo isniin ah gaaro caasimadda Serbia ee Belgrade.

Dublamaasigii ugu sarreeyay Moscow ayaa reer galbeedku cunaqabatayn ku soo rogeen sababo la xiriira dagaalka Ruushka ee Ukraine waxaana Midowga Yurub ay sidoo kale hawadooda ka xiray diyaaradaha Ruushka.

Serbia ayaa xiriir dhaqameed la leh Ruushka, iyadoona iska difaacday cadaadis ah inay dhinac ka raacdo duulaanka Ruushka ee Ukraine, sidoo kale kuma biirin cunaqabataynta reer galbeedka ee ka dhanka ah Moscow.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post