1215 Views

Qaraxii labaad oo ka dhacay Muqdiho oo lala eegtay Guddoomiyaha maamlka degmada Yaaqshiid..

Qaraxii labaad oo ka dhacay Muqdiho oo lala eegtay Guddoomiyaha maamlka degmada Yaaqshiid..
____________________________________________________________________________

Febarayo   28 /2/ 2021

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka DaaruSalaam.

Qaraxan oo ahaa  nooca miinada ayaa ka dhacay halkaasi, waxa uuna Noqonayaa kii labaad oo ka dhaco muqdisho mudo 4 saac gudahooda.

Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan oo ka mid ah caasimada, iyada oo kadib ay xigtay rasaas xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay guddoomiyaha maamlka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullahi Cariif iyo saraakiil Booliis ah oo la socotay.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale meesha tegay, kuwaas durbo xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Afhayeenka gobolka Banaadir oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ay bad qabaan mas’uuliyiinta iyo saraakiisha la socotay kolonyada la qarxiyey.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post