1857 Views

Doorashooyinka Deegaannada Somaliland Oo Dib Loo Dhigay

Doorashooyinka Deegaannada Somaliland Oo Dib Loo Dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 28, 2018 –Guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa  shaaca ka qaaday inay dib u dhigeen xilligga la qaban lahaa doorashada deegaannada Soomaaliland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliland Cabduqaadir Iimaan Warsame sheegay indoorashada ay dib u dhigeen 8 caqabadood oo xilligaan Guddiga soo wajahay.

Qodobka ugu weyn ayuu ku sheegay inuu  ka mid yahay Xisbiga Wadani oo kalsoonida kala noqday gudiga Doorashada.

Hayeeshee guddiga ma aysan sheegin wakhtiga la qabanayo doorashada golaha deegaanka,isla markaan ay dib ka shaacin doonaan.

Tallaabadaan ayaa dad badan u arkaan inay xiisad siyaasadeed ka dhex abuuri doonto Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland iyo Madaxda Xisbiga talada haya ee Kulmiye ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment