984 Views

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka wareysi siiyey VOA

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka wareysi siiyey VOA
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 4, 2021

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada Aqal.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday in si wanaagsan ay ku bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare, wuxuuna tilmaamay in illaa iyo hadda aysan soo gaarin wax cabasho ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ka guddi ahaan ay dadaali doonaan, balse wuxuu walaac ka muujiyey doorashada Golaha Shacabka oo uu tilmaamay inay caqabado ka imaan karaan.

Maxamed Xasan Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ergo badan iyo odayaal ay wax soo xulayaan, isla-markaana laga yaabo in murano ay ka yimaadaan halkaasi.

“Caqabaduhu waxa ay noqon karaan waqtiga Aqalka Hoose la galo wuu ka yara howl badan yahay Aqalka Sare oo marka aad u fiiriso dad badan oo ergooyin ah ayaa soo dooran doono Caaqilo badan ayaa wax soo xuli doono iyo ururo bulsho, marka waxyaabahaas oo dhan waa meelaha muranada iyo wax ka yimaadiin oo caqabadaha ugu badan ee aan dareemi doono waa halkaasi,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed (Cirro).

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashadu ay noqon doonto mid ku qabsoonta daah-furnaan

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay bilaabeen doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post