861 Views

Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde oo hakad galay iyo muran ka taagan

Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde oo hakad galay iyo muran ka taagan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 28 2020—Muran xoog leh ayaa Saaka ka taagan garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka dib markii ay joogsadeen duulimaadyadii aadi jiray qaar ka mid ah gobolada dalka sida ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaar ka mid ah Shirkaddaha diyaaradaha ayaa ka gadooday ka dib markii mid ka mid ah Shirkaddaha diyaaradaha la sheegay in dowladda Soomaaliya ay shaqada ka joojisay.

Guddiga diyaaradaha ayaa shalay ku dhawaaqay shaqo joojin ka markii diyaaradaha qaar laga joojiyay in ay aadaan degmada Doolow ee Gedo.

Guud ahaan maanta waxa ay joojiyeen  Shirkaddaha safaradii ay ahayd inay maanta ku tagaan gobolada dalka.

Hadda buuq ayaa ka taagan yahay gudaha garoonka, waxaana xayiran boqolaal rakaab ah oo maanta dhoofi rabay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post