948 Views

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya shir Maanta ka furmaya Nairobi

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya shir Maanta ka furmaya Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 12, 2019–Madaxweynaha Jamhruuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa  Maanta waxaa uu ka qeyb-geli doonaa shir ka furmaya halkaasi.

 

Shirkan oo socon doona mudo laba Cisho ah ayaa waxaa hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA), iyada oo lagu jaangooynayo qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

 

Wafdiga Madaxweynaha eek u sugan Kenya ayaa waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa uu kulamo ducoeedyo kala duwan uu la yeelan doonaa madaxda ka qeyb-galeysa Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

 

Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade).

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment