840 Views

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galinsoor

Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Oo Lagu Soo Dhaweeyay Galinsoor
____________________________________________________________________________

Talaado: July 19, 2022

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-U-Heshiisiinta Galmudug mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay magaalada Galinsoor oo uu ku tagay booqasho iyo qiimayn lagu sameynayo Degmonimada Galinsoor.

Wafdiga Wasiirka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Guddomiyaha Gobolka Mudug

Wasiirka iyo wafdigiisu waxay booqdeen xarumaha muhiim ah oo ku yaala Galinsoor, ayagoo qiimayn ku sameeyay xaalada Nololeed ee Bulshada halkaas ku nool.

Wasiir Cabdi Waayeel oo hadal ka keediyay xaflad lagu soo dhawaynaayay ayaa ku dhawaaqay in Galinsoor tahay Degmo asagoo sheegay in ay marsiin doonaan habka loo qorsheeyay in la mariyo Degmooyinka cusub ee deegaannada Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post