945 Views

Qatar oo xoojinaysa tartanka maalgashi ee Geeska Afrika

Qatar oo xoojinaysa tartanka maalgashi ee Geeska Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 07, 2019 —Dowladda Qatar ayaa shaacisay in ay doonayso in ay balaayiin doollar ay ku bixiso dalalka geeska Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay si loo xoojiyo kaabayeyaasha dhaqaallaha iyo saameynta dowladda Qatar ay ku leedahay geeska Afrika.

 

Dowladda Qatar waxa ay sheegtay in ay laba jibaari doonto xiriirka iyo maalgashiga ay ku sameynayso dalalka ku yaalla Geeska Afrika oo Soomaaliya ay ugu horreyso.

 

“Dowlada Qadar iyo wadamada bariga afrika waxay hormarinayaan xiriirka dhow oo ku saleysan xiriir taariikhi ah iyo rabitaan caam ah oo lagu gaarayo dhaqaalaha gobolka, waxbarashada iyo barwaaqada bulshada. Tusaale ahaan, Sanduuqa Horumarinta Qadar wuxuu ku deeqay deeq iyo amaah  bariga Afrika in ka badan $ 4 bilyan sideedii sano ee la soo dhaafay, ” ayay tiri Lolwah al-Khater, afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar.

 

Dowladda Qatar waxa ay sidoo kale qorsheynaysaa in lacag deyn ah oo horumarin ah ay siiso dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya si loo horumariyo adeegyadda kaabayeyaasha dhaqaallaha.

 

“Khaas ahaan Soomaaliya, waxaan mar labaad u xaqiijineynaa sida ay Qadar uga go’an tahay taageerida umadda maadaama ay si aad ah uga shaqeyneyso sidii loo fulin lahaa himilooyinkeeda’ waxaana rajeyneynaa inaan sii wadno oo aan sii xoojino iskaashiga ganacsiga, horumarka iyo waaxaha kale” ayay kusii dartay hadalkeeda Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment