495 Views

Nin Mareykan ah oo lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw aad u tiro badan

Nin Mareykan ah oo lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw aad u tiro badan
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 6, 2022

Alex Jones, oo ah nin qaadaa dhiga/falanqeeya afkaarta shirqoolada, ayaa waxaa lagu amray inuu bixiyo 49.3 milyan oo Doolar, kadib markii uu been abuur ku sheegay toogasho ka dhacday iskuul sanadkii 2012-kii.

Xeerbeegti kusugan gobolka Taxes ee dalka Mareykanka, ayaa go’aamiyey in daadiyaha barnaamij iddaacad uu bixiyo 45.2 milyan oo Doolar oo magdhaw ah, marka lagu daro 4.2 milyan oo magdhawa, ee ay bixiyeen maalin kahor.

Lix ruux oo qaan gaar ah, iyo labaatan carruur ah, ayaa lagu dilay Sandy Hook oo ku yaalla Connecticut.

Dacwadda ayaa waxaa gudbiyey labadda ruux ee kala ah Scarlett Lewis iyo Neil Heslin, oo ah waalidkii kala tagay ee Jesse Lewis oo ahaa ilmo yar oo lix jir ah, kaasoo ku dhintay toogashii iskuulka.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay iney u dulqaaten dhibaato iyo murugo shucuureed, sababtoo ah macluumaadka khaldan ee aasaasihii hey’adda inforwars, iyagoo ka dalbadey 150 milyan oo magdhaw ah.

Magdhawga waxyeelada la geystay ee lasoo saaray Khamiistii, ayaa waxaa loola jeeday in lagu daboolo kharashaadka dhabta ah ee qoyska ay ku dhacday sumcad dilka ee Jones, sida shirkadda ammaanka gaarka ah ee ay kireysteen, intii lagu guda jiray maxkamadda, iyagoo ka baqaya weerar kaga yimaada taageerayaasha Jones.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post