1719 Views

Guddoonka Baarlamaanka oo kulan la qaatay madaxa ciidamada AMISOM

Guddoonka Baarlamaanka oo kulan la qaatay madaxa ciidamada AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2018 – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa Ciidamada AMISOM ahna Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa U Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madeira.

Waxa ay ka wada hadleen xoojinta Ammaanka xarunta Golaha Shacabka.

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa ku sugan xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay ka qeyb ka yihiin ciidamada sugga Ammaanka  xarunta Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

gudoomiye 3 gudoomiye 2 Gudoomiyaha 1

 

 

 

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment