573 Views

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Magacaaban ee Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa oo gaaray Kampala.

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Magacaaban ee Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa oo  gaaray Kampala.
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 4, 2022

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Magacaaban ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)  ayaa gaaray Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.

Wasiirka Gaashaandhigga waxaaa safarkii uu ku tegay dalka Uganda ku wehlinaya Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Xasan  Maxamed Saciid Samatar iyo Xubno kale.

Ujeedka Wafdigaan ay u gaareen magaalada Kampala, ayaa lagu sheegay ka qeyb galka shir halkaas ka qabsoomaya, kaas oo ay yeelanayaan Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo looga arrinsanayo Iskaashiga Difaaca ee labada dowladood, gaar ahaan arimaha Difaaca.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post