1893 Views

Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo loo digay

Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo loo digay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 06, 2018 –Ka dib Markii Maalmihii lasoo dhaafay Maxkamad ku taalla Magaalada Kampala ay kasoo hormuuqdeen xubno ka tirsan Ciidankii dowladda Uganda ee ka howlgali jiray Soomaaliya,kuwaasooo loo heystay in falal ka baxsan howlgalka oo ay ka geysteen Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka dowladda Uganda ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Maxkamada Ciidanka ay uga digtay Ciidanka dowladda Uganda ee ku sugan Soomaaliya qabashadda Arrimo ka madax banaan howlgalka ay ka waddaan Soomaaliya

Afhayeenka Ciidanka Uganda , Brig Richard Karemire ayaa sidoo kale xusay in tilaabo laga qaadi doono Askarta Ciidanka dowladda Uganda ee Soomaaliya ka geysta Xadgudubyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha, Ama hareermarsan Hanaanka Nabadgaliyadda Soomaaliya.

Wuxuu kaga digay in ay iibsadaan shidaalka iyo cunada loogu talla-galay xoogaga Amisom, si aanay hadhow u wejihin Maxkamad, oo ciqaab adag ku ridi karta.

Saraakiil iyo ciidan ka tirsan Uganda, ayaa billihii ugu dambeeyay ka soo muuqday Maxkamad ku taala Magaalada Kampala, markii lagu soo eedeeyay in musuq maasuq ka gaysteen dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment