1473 Views

Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar “madaxda Ahlu Sunna, wax la aqbali karo maahan inay hadda hub soo qaataan

Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar “madaxda Ahlu Sunna, wax la aqbali karo maahan inay hadda hub soo qaataan
____________________________________________________________________________

Talaado: October 5, 2021

Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee Midowga Maxaakiimta ahaana Wasiirkii arimaha Gudaha Dowladii sheikh shariif Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa ka hadlay xaalada Galmudug iyo Colaada haatan ka jirta Deegfaanadaas.

 Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa ku tilmaamay madaxda Ahlu Sunna in ay yihiin kuwa qaldan, waxa uuna sheegay in Xiligaan aan loo baahneen Xabad.

Sheekh Cabdulqaadir, oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamadaha Islaamiga, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in madaxda Ahlu Sunna ay mar kale isa soo abaabulaan oo ay hub soo qaataan.

Sidoo kale Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku baaqay in Ahlu Sunna lala heshiiyo haddii ay heshis rabaan haddii kalana la iska celiyo, sida uu hadalka u dhigay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post