651 Views

Nin cadaan ah oo toogtay haweenay madow ah oo uu “Jeer ku qalday

Nin cadaan ah oo toogtay haweenay madow ah oo uu “Jeer ku qalday
____________________________________________________________________________

 ShacabkaSabti: April 30, 2022

Nin 77 jir caddaan ah oo u dhashay Koonfur Afrika ayaa Khamiistii maxkamadda horteeda ka qirtay in uu toogtay oo uu dhaawacay haweeney madow ah isaga oo sheegay in uu ku qalday jeer, sida ay booliisku sheegeen.

“Eedaysanaha la xiray wuxuu rasaas ku furay haweenayda madowga ah oo uu sheegay inuu ku qalday jeer,” afhayeenka booliska Mamphaswa Seabi ayaa sidaasi ku yiri warbixin uu soo saaray.

Ramokone Linah oo 38 jir ah ayaa waxa ay dhaawacyo ka soo gaareen rasaas uu ku furay ninkan cadaanka ah”, sida ay booliisku sheegeen.

“Eedeysanaha ayaa iska lahaa beerta shilku uu ka dhacday,” ayuu yiri Mashudu Malabi-Dzhangi, oo ah afhayeenka NPA ee gobolkaas.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa caadiyan caro ka dhex abuura dalkaas halkaas oo kala qaybsanaanta qoomiyadaha ay weli ka jirto 28 sano kadib markii uu dhamaaday xukunkii midab-takoor ee caddaanka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post