417 Views

Xildhibaan C/raxmaan Macalin “ Canshuurta Shabaab waxaa la joojin karaa, keliya marka laga adkaado”

Xildhibaan C/raxmaan Macalin “ Canshuurta Shabaab waxaa la joojin karaa,  keliya marka laga adkaado”
____________________________________________________________________________

Sebti, 1 Oktoobar [Qaranimo Online] Xildhibaan hore C/raxmaan Macalin oo ah siyaasi aad ugu dhuun-daloola arrimaha siyaasada & bulshada waddanka ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh inuu ka fiirsado shaqsiyaadka aan siyaasada & wacyiga dalku maanta marayo aan ehelka u aheyn ee uu tallooyinkooda mudnaanta siinayo, isaga oo ku baaqay in xirfada & aqoonta mudnaanta la siiyo.

Xildhibaan C/raxmaan, oo wareysi siiyay taleefishinka Somali Nederland TV ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah,  wuxuuna sheegay in Madaxweyne Xassan kaga duwan yahay madaxdii hore inuu helay 2 fursad oo aan taariikhda siyaasadeed ee dalka aan soo marin, isaga oo labadaasi fursadood ku tilmaamay inuu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee 2 goor la doorto & inuu ku soo beegmay kacdoon ka dhan ah Alshabaab.

 “Kacdoon shacab ayaa dhacay, Dowladdu waxay haysataa fursad qaali ah oo ay kaga guuleysan karto Alshabaab waa haddii si sax ah dagaalka loo wajaho” Ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan, isaga oo dhaliilay nidaamka garsoorka ee Dowladda.

Hoos ka daawo wareysiga C/raxmaan oo dhammeystiran:

(3) WAREYSI XILDHIBAAN CABDIRAXMAAN – YouTube

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post