750 Views

Dad mudaaharadayaal ah oo lagu dilay Suudaan

Dad mudaaharadayaal ah oo lagu dilay Suudaan
____________________________________________________________________________

Axad: November 14, 2021

Dad Goob joogayaal  ah iyo kooxaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in 5 qof oo ka mid ah dadka mudaaharaadayaasha ah  la dilay,  iyada oo ay sii xoogeeysanayaan dibad baxyada ka socda Suudaan.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweeyn ee magaalada Khartuum iyo magaalooyinka ku hareereeysan, kuwaasoo ka soo horjeeda awoodda ku talinta ciidamada Milatariga Suudaan.

Warbaahinta Suudaan ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ay isku dayeen in mudaaharadayasha ay kala eryaan, iyagoo adeegsanaya sunta dadka ka ilmeysiisa iyo Rasaas nool.

Dhanka kale Ciidanka Booliska Suudaan ayaa beeniyay inay Rasaas nool u adeegsadeen dibadbaxayaasha, iyaga oo si cad u beeniyay warka sheegaya in la dilay qaar kamid ah dadkii isusoo baxay.

Dibad baxyada ayaa Caasimadda Suudaan ka bilowday markii taliyaha ciidamada Militiriga Suudaan, General Cabdi Fitaax Al-Burhan, uu ku dhawaaqay dhismaha golaha cusub oo madax banaan oo gabi ahaanba meesha ka saaraya Xukuumadda rayidka ah ee ka taliso dalka Suudaan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa dad goob joogayaal ah ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay sidoo kale xireen Waddooyin istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin kuwa gallo madaxtooyada, Garoonka diyaaradaha iyo kuwa kale oo looga cabsi qabo in ay saldhigtaan Mudaaharadayaasha.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post