855 Views

Hay’adda Hormuud salaam foundation ayaa dhaqaala lacageed waxa ay ugu deeqday Dr Xabeeb.

Hay’adda Hormuud salaam foundation ayaa dhaqaala lacageed waxa ay ugu deeqday Dr Xabeeb.
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 23, 2022

Hay’adda Hormuud salaam foundation ayaa dhaqaala lacageed oo gaaraya $15,000 waxa ay ugu deeqday Dr Xabeeb oo mudooyinkii u danbeeyay ku xanuunsanayay magaalada muqdisho ay ugu noqoto kaalmo si dalka dibadiisa loogu soo daaweeyo.

Cabdiraxman Cali Cawaale Dr Xabeeb oo waayadaan la xanuunsanaa Dhiig Madaxa ugu furmay ayay Hormuud Salaam Foundation ugu talo gashay lacagtaas  in lagu daweeyo, Dr Xabeeb oo ah dhakhtar mudo dheer u adeegayey dadka Soomaaliyeed ee ka xanuunsan Dhimirka.

Munaasabada gudoonsiinta lacagta oo ka dhacday Isbitaaka Dr Xabeeb ayaa waxaa gudoonsiiyey lacagta Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Mudane Abdullahi Nur Osman iyo Madaxa Howgelinta ee Shirkadda Hormuud Telecom Mudane Abdikariin Mohamed Kaariye.

Cabdikariin Maxamed Kaariye Madaxa Howgelinta shirkada hormuud ayaa dhankiisa ka hadlay mumaasabada deeqda lacageed loogu wareejinayay Dr xabeeb asagoo sheegay in shirkada hormuud iyo bangiga Salaam Somali Bank garabka u qaabilsan gargaarka iyo caawinaada ee Hormuud Salaam Foundation loo aasaasay howlahaan.

Dr Xabeeb oo Goobta ka hadlay ayaa aad uga mahad celiyey Kaalmadaa lacageed ee ay Hormuud Salaam Foundation gudoon siisey, wuxuuna ugu duceeysey in xoolahooda allaha u barakeeyo, isagoo  uga mahad celiyey garab Istaaga ay mar walbaa garab taagan yihiin, taasoo ah mid aan  maanta ka bilaabanin.

Masuuliyiinta oo Goobta ka hadlay ayaa Dr Xabeeb allaha uga baryey inuu siiyo Caafimaad deg deg , waxaana ay u balan qaadeen in ay mar walbaa Hormuud Salaam Foundation taagan tahay garabkiisa, waxeeyna uga mahad celiyeen Dr Xabeeb u adeegidiisa dadka Soomaaliyeed ee  ka xanuunsan dhimirka taasoo ay abaal badan uga hayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Dr Xabeeb ayaa dhawaan loo qaadi doonaa dalka Turkiga, si halkaas loogu soo daweeyo Hadii alle idmo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post