654 Views

Inta badan dalalka Muslimiinta ah, gaar ahaanna waddamada Carbeed, oo shaaciyay in ay Soomi doonaan maalinta Talaadada ah oo ku beegan 13 bisha

Inta badan dalalka Muslimiinta ah, gaar ahaanna waddamada Carbeed, oo shaaciyay in ay Soomi doonaan maalinta Talaadada ah oo ku beegan 13 bisha
____________________________________________________________________________

April 12-4-2021

Inta badan dalalka Muslimiinta ah, gaar ahaanna waddamada Carbeed, ayaa shaaciyay in ay Soomi doonaan maalinta Talaadada ah oo ku beegan 13 bisha April 2021.

Dalalka kala duwan ee Carbeed oo Galabta raadiyay dhalashada bisha Ramadaan ayaa sheegay in aysan jirin meel laga arkay, sidaas darteedna ay dhammaystiri doonaan bisha Shacbaan oo 30 ku buuxda Isniinta berri ah.

Dalalka qaarkood ayaa ku baaqay in berri galab mar kale la raadiyo bisha barakaysan ee Ramadaan, islamarkaana haddii la arki waayo, sidaas lagu soomo maadaama ay buuxsantay 30 bisha Shacbaan.

Guud ahaan muslimiinta dunida ayaa la filayaa in bisha Soon u bilaabato maalinta Talaadada ee 13-ka April 2021.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post