528 Views

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya oo shaacisay in berri la buuxinayo 30-ka bisha Soon-qaad

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya oo  shaacisay in berri la buuxinayo 30-ka bisha Soon-qaad
____________________________________________________________________________

Sabti: April 30, 2022

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay go’aanka rasmiga ah ee bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo berri la buuxinayo 30-ka bisha Soon-qaad.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda diinta Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in ilaa fiidkii hore ee caawa ay ku howlanaayeen xaqiijinta bilashada bisha Soon-fur, balse la waayey.

Xiriiro badan ayuu sheegay inay la sameeyeen gobollada dalka, isla markaana la waayey cid sheegta ama aragtay bishii Soonfur oo dhalatay, iyadoo ugu dambeyntiina ay wasaaradu go’aamisay in berri ay dadka Soomaaliyeed buuxiyaan 30-ka bisha Ramadaan.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inaan bisha Shawaal lagu guuleysan in caawa laga arko dalkaas, kadib markii la raadiyey, taasi oo ka dhigan in berri aanay ciid aheyn.

https://40b1a761c33230aed1a1f56b3d6597e2.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Qoraal kasoo baxay boqortooyada ayaa lagu sheegay in berri oo Axad ah la dhameystiri doono 30-ka bisha Ramadaan, islamarkaana ciidda ay noqon doontoIsniinta oo ku beegan labada bisha May.

Sidoo kale, dalka Imaaraadka Carabta ayaa isna sheegay inaan lagu guuleysan in caawa bisha la arko sidaas darteedna Ramadaanka la dhameystiri doono Axadda, islamarkaana ciidda ay tahay Isniinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post