1578 Views

Waa kuma ninka guursaday Kim Yo-jong walaashiis?

Waa kuma ninka guursaday Kim Yo-jong walaashiis?
____________________________________________________________________________

 Isniin: July 19, 2021

Sannadihii ugu dambeeyay, Kim Yo-jong ayaa si wayn uga soo muuqatay saaxadda siyaasadda iyo hoggaanka caalamka waxayna noqotay shaqsi muhiim ah oo udub-dhexaadna u ah awoodda Pyongyang.

Waa da’da ka yar hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un – waxay dhalatay sannadkii 1987 – waana qofka kali ee ka midka ah walaalihiisa ee ay sida aadka ah isugu dhaw yihiin Kin Jong-un.

Waxaa dhowaanahan isa soo taraya wararka la xiriira in uu guursaday wiil uu dhalay nin xil sare ka haya maamulka Kuuriyada Waqooyi.

Yaa Guursaday muxuuse yahay ninkaas?

Waxaa jiro warar la isla dhexmarayo oo ah in uu gabadhan guursaday wiil uu dhalay nin lagu magacaabo Choe Ryong-hae, oo ah nin awood badan leh, xoghayana ka ah xisbiga talada haya ee dalkaas, waana ku xigeenka hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Qaar ka mid ah Khubarada Kuuriyada Koonfureed waxay sheegayaan in ninka gabadhan guursaday lagu magacaabo Choe Song, kaas oo ka tirsan hay’ad qarsoodi ah oo maamusha dhaqaalaha qoyska Kim.

In kastoo dhammaan macluumaadka ku saabsan Choe uu qariyay maamulka Kuuriyada Waqooyi, haddana tan iyo guurkoodii 2014-kii dhacay, waxaa la sheegayaa in laba canug ay isu dhaleen.

Sida uu qoray wargeyska the New York Times, Maalintii sannadka cusub ee 2015-kii, ayuu wargeyska rasmiga ah ee dalkaas ee Rodong Sinmun daabacay gabadhan oo xiran fargashiga guurka – iyadoo xilligaas booqaneysay meel lagu xanaaneeyo carruurta agoonta ah oo ku taalla Pyongyang.

Qof ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee lagu magacaabo Yonhap wuxuu sheegay: “Inta aan ka warhayo Kim Yo-jong waxaa guursaday wiil uu dhalay Xoghayaha Xisbiga dalkaas maamula, Choe Ryong Hae.”

Mr Choe iyo Kim Yo-Jong waxaa loo maleynayaa in laba canug ay isu dhaleen – mid wuxuu dhashay 2015-kii, midka kalena 2018-kii, ayuu qoray wargeyska the Sun ee UK ka soo baxa.

Hadalka ku saabsan in canugga labaad uu u dhashay wuxuu soo baxay xilligii ay Kim Yo-jong booqatay ciyaarihii Xagaaga Olympic-gga ee sannadkii 2018-kii.

Gabadhan la dhalatay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi waxay wax ku soo baratay dalka Switzerland, waxayna ka baxday iskuulka uu soo dhammeeyay Kim Jong-un.

Waxay Kuuriyada Waqooyi dib ugu noqotay sannadkii 2000. Balse lama arag, lamana oga wixii ay qabaneysay tan iyo 2011-kii, xilligaas oo ay ka qeybgashay duugtii aabeheed Kim Jong-ill.

Markii ay saaxada siyaasadda ka soo muuqatay

Kim Yo-jong ayaa markii ugu horeysay dareenka caalamka soo jiidatay sannadkii 2018, markaasi oo ay ka mid ahayd waftigii Kim ee booqanayay Kuuriyada Koonfureed.

Waxay qeyb ka ahayd ergadii ciyaarihii Olambikada xilligaas oo kooxihii ka socday Koonfurta iyo Waqooyiga ay hal koox noqdeen.

Waxay 2018 la shaqeynaysay oo ay barbar taagnayd walaalkeed xilli uu qaaday waddo dublamaasiyadeed isaga oo la kulmay madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in, madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping iyo kulankii muhimka ahaa ee uu la qaatay Donald Trump.

Xiriirka dhaw ee ay la leedahay walaalkeed Kim iyo doorka heerka sare ah ee ay ka ciyaarayso siyaasadda ayaa mar kale soo ifbaxay April 2020 markaasi oo walaalkeed Kim Jong-un uu ka maqnaa fagaarayaasha dadwaynaha.

Kim Yo-jong waxay ka mid tahay dadka ugu sarreeya ee la saadaalinayo in ay bedeli doonaan Kim Jong-un.

Doorka gabadhan, Kim, ayaa sare u kacay bishii October 2017-kii, markaasi oo loo dalacsiiyay in ay ka mid noqoto guddiga dajinta siyaasadaha xisbiga Shuuciga.

Ka hor waxay ahayd agaasima ku xigeenka waaxda brobagaandada, jagadaasi oo la rumaysan yahay in ilaa iyo imika ay hayso islamarkana ay ka shaqeyso sare u qaadidda sumcadda dad waynaha uu ku dhex leyahay walaalkeed Kim.

Ms Kim ayaa sidoo kale ka mid ah shaqsiyaadka ku jira liiska cunaqabataynta Mareykanka, waxaana lagu eedeeyay tacadiyo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo ka dhacay Kuuriyada Waqooyi.

Waxay arrintan micnaheedu tahay in muwaadiniinta Mareykanka aysan wax xiriir ah la sameyn Karin.

Hanti kasta oo ka taalla dalka Mareykanka ayaa sidoo kale la xannibayaa.

Awood intee la’eg ayey leedahay?

Way adagtahay in la fahmo nidaamka awoodda Kuuriyada Waqooyi, sidaasi daraadeed way adag adagtahay in la cabiro inta ay dhan tahay galaangalka dhanka siyaasadda ee ay leedahay Kim Yo-jong.

Balse Oliver Hotham oo ka tirsan NK News ayaa BBC u sheegay: “Waxaan u maleynayaa in ay caadi tahay in la yiraahdo maadaama 30 jir ay tahay taasi oo ah da.a aan saamayn badan ku lahayn Kuuriyada Waqooyi – in galaangalka ay leedahay inta badan uu yahay mid ku tiirsan walaalkeed.”

Haddii ay noqto in la helo qof badala Kim Jong-un xiriirka qoyska ayaa noqonaya mid muhim ah.

Kim Jong-un ayaa la rumaysan yahay in uu caruur leeyahay, balse waa kuwa wali aad u yar-yar.

Maadaama ay Ms Kim ay xubin ka tahay dadka leh dhaxalka, warbaahinta dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa si sahlan qiil ugu heli kara in awooddaay lagu wareejiyo.

Balse dhaxaltoyadaasi marka la eego haddii aan iyada la soo xulin, hogaamiya kasta oo kale oo la soo xulo waxaa uu u arki karaa qof la loolamaya.

“ilaa uu yimaado awoodda xubin kale oo ka tirsan Kim, markaasi xaladda way u sahlanaanaysaa,” ayuu yiri Fyodor Tertitskiyoo ka tirsan jaamacadda Kookmin ee ku taalla Seoul.

“In ay la wareegto jagada hogaamiyaha sare haddii kale waxay luminaysaa dhammaan awoodaha iyo suurtagalnimada xitaa in ay nafteeda ku wayso.

Maxaa sababay in qoyska Kim ay iska dhaxlaan xilka?

Ma loo baahan yahay in la helo qofkii xilka kala wareegi lahaa Kim Jong-un? Isku xirnaanta qoyska muhiim ayey u tahay.

Dacaayadda dalkaas iyo aragtida siyaasadeed, waxay in mudda ah xoojinayeen waxa ay ugu yeeraan Isku Dhiigga Paektu – taas oo dib ugu noqoneysa ninka aasaasay dowladnimada Kuuriyada Waqooyi, Kim Il-sung.

Waxaa la rumeysan yahay in Kim Jong-un ay u joogaan carruur, balse weli way da’yaryihiin.

Iyadoo taa la eegayo, haddana Kim waxay ka mid tahay qoyskaaas. Warbaahinta dalkaasna waa in ay eegaan sida ugu ee ay uga hadli karaan in awoodda gacanteeda la geliyo haddii Kin Jong-un uu meesha ka baxo.

Balse in Xididka qoyska ay ku abtirsato ma keeni kartaa in loo xusho Hoggaamiyaha xiga, suuragalse ma tahay in qof kale uu u arko hoggaamiye loolan kula jira?

“Haddii qof kale oo ka mid ah qoyska uusan awoodda sare ku soo biirin, dhankeeda wax kasta way u fudud yihiin,” sida uu sheegay Fyodor Tertitskiy, oo ka tirsan Jaamacadda Kookmin ee Seoul. “Waxaa dhici karta in hoggaamiyaha ugu sarreeya ay noqoto ama in ay waydo dhammaan xilalka iyo nolosheedaba.”

Kaalintey kaga qoyska maxay tahay?

Kim Yo-jong waa gabadha ugu yar caruurta hogaamiyihii hore ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxay isku hooyo yihiin Kim Jong-un iyo Kim Jong-chol, oo isagu la rumaysan yahya in uusan xil sare ka hayn nidaamka awoodda siyaasadda dalkaasi.

Waxay dhalatay 1987 waxayna 4 sano ka yartahay walaalkeed Kim Jong-un oo imika xilka haya.

Waxay wax ku wada barteen islamarkana ku noolaayeen magaalada Berne ee dalka Switzerland.

Saraakiisha iskuulkii ay wax ka baran jirtay ee dalka Switzerland ayaa waxay sheegeen in ay ahayd gabadh si wayn loo ilaaliyo islamarkana waxaa mar la sheegay in qabow yar oo ay dareenta markiiba inta iskuulka laga saaray isbataal la geeyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post