981 Views

DEG-DEG:- Dagaal culus oo ka socdo deegaan ka tirsan G/Hiiraan

DEG-DEG:- Dagaal culus oo ka socdo deegaan ka tirsan G/Hiiraan
____________________________________________________________________________

Talaado: June 14, 202

Wararka aan ka heleeno deegaan ka tirsan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan uu ka soconayo dagaal xooggan oo lisku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan, kaas oo u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan dowladda oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeeenka Amniga Ducaale Aadan Cabdi ee degmadaas iyo Maleeshiyaad oo isku dhinac ah iyo xubno ka tirsan Al-shabaab.

Goob-joogayaal la hadlay KNN ayaa u sheegay in dagaalka labada dhinac uu iminka ka socdo deegaanka Bacda oo ka tirsan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana ka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, kaas oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya.

Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay kaga sugnaayeen degmada matabaan Ciidamo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Degmada Matabaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post