1905 Views

Xildhibaan Mahad Salad iyo is barbardhigii mucaawinada Qadar iyo Imaaraadka

Xildhibaan Mahad Salad iyo is barbardhigii mucaawinada Qadar iyo Imaaraadka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 18, 2019 – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu isku barbardhigayo deeqaha Imaaraadka Carabta iyo kuwa Qatar ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Qoraalka Mahad Salaad ayaa u muquda mid uu ku muujinayo in deeqda Qatar ee Soomaaliya aysan u tayo badneyn sida tan Imaaraadka, wuxuuna qoralkiisa raaciyey sawirro muujinaya farqiga u dhaxeeya baabuurta ay Imaaraadka Carabta siiyeen Soomaaliya iyo kuwa Qatar.

Hoos ka aqrio qoraalka Mahad Salaad.

Dowladaha Qatar iyo Imaaraad

Ka sokow in dowlada Imaaraadka Carabta (UAE) ay ciidamo u tababareen Soomaaliya una qalabeeyeen.

Ka sokow in dowlada Imaaraadka Carabta (UAE) ay Isbitaalo u dhiseen dadka Soomaaliyeed adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ahna ay u fidiyaan.

Ka sokow in dowlada Imaaraadka Carabta (UAE) ay soo dhaweeyeen ganacsatada Soomaaliyeed. Hanti badan oo Soomaaliyeedna ay taalo dalkooda.

Hadana, bal maanta aan isbarbardhig ku sameyno Baabuurta Gaashaaman ee Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Qatar ugu kala deeqeen dowlada Soomaaliya sida tayadoodu kala tahay!

#RUNTA_CIDINA_MA_QARIN_KARTO.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment