1008 Views

Wasiiro ka socda dowladda Itoobiya oo Muqdisho u imaanaya dardar gelinta heshiiskii Somalia iyo Itoobiya

Wasiiro ka socda dowladda Itoobiya oo Muqdisho u imaanaya dardar gelinta heshiiskii Somalia iyo Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 09, 2019–Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in wafdi Wasiiro ah oo ka socda dowladda Itoobiya ay todobaadkan booqasho ku imaan doonaan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

Ilo wareedyo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in illaa 8 Wasiir oo ka socota dowladda Itoobiya ay Muqdisho imaan doonaan maalinta berri oo Axada ah.

 

Wafdigan Wasiirada ayaa qeyb ka ah Guddiga Isku dhafka ah heerka Wasiir ah ee horay ugu dhawaaqeen Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasoo ka shaqayn doona fulinta iyo dardar gelinta waxyaabihii labada dal ku heshiiyeen sanadkii hore, kaddib booqashadii uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

 

Booqashadii bishii June ee sanadkii 2018 uu Muqdisho ku yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxay isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo qeyb ka yahay is dhexgal labada bulsho.

 

Qodobka 7aad ee Heshiiska labada dal oo ahaa kan ugu culus oo muran ka dhex dhaliyay Bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ahaa in 4 dekadood ay maalgashato Itoobiya iyo dhismaha laami isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya

 

Wafdiga Wasiirada ee ka socda dowladda Itoobiya ayaa waxay kulamo la yeelan doonaan dhiggooda Soomaaliya, iyagoo ka wada shaqeyn doona fulinta iyo xoojin heshiiskii ay wada saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment