1092 Views

Maamulka laba isbitaal ee isbitaalka jaziira iyo Yerdameli oo lagu wareejinayo maamulka gobolka Banaadir.

Maamulka laba isbitaal ee isbitaalka jaziira iyo Yerdameli oo  lagu wareejinayo maamulka gobolka Banaadir.
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 1, 2021

 Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu la wareegayo maamulka laba isbitaal oo Muqdisho ku yaal oo ay eedeeyeen in ay dhinac mareen habka maamulka ee loogu talagay.

Isbitaalladaasi ayaa kala ah isbitaalka jaziira iyo Yerdameli, waxaana maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in uu soo magacaabi doono maamulka cusub ee labadaasi isbitaal.

Afhayeenka maamulka Banadir Saalax Dheere oo goor sii horeysay shir jar’aaid ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in isbitaalladaasi ay hareer mareen habraacyadii loogu talo galay ee maamul, isla markaana ay lacago badan ka qaadaan dadka bukaannada ah ee yimaado isbitaalladaasi oo ahayd in si bilaash ah loogu adeego.

Waxaa uu sheegay in muddo todobaad ah loo qabtay inay maamulka labadaasi isbitaal ku soo wareejiyaan maamulka Banaadir, oo wixii hadda ka dambeeya ay maamuli doonaan isbitaalladaasi iyadoo la raacayo habka daadajinta adegga caafimaadka ee heshiisyada dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post