498 Views

Abaarta daran ee ka jirta Soomaaliya oo laga soo saaray digniin hor leh

Abaarta daran ee ka jirta Soomaaliya oo laga soo saaray digniin hor leh
____________________________________________________________________________

Abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika ayaa si weyn u saameysay Soomaaliya, iyadoo malaayiin qof la sheegay inay wajahayaan cunno yaraan.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya in boqollaal kun oo Soomaali ah ay sidoo kale qarka u saaran yihiin dhimasho, iyadoo boqollaal carruur ahna ay haatanba u dhimanayaan macluul.

Hay’adda samafalka ee NRC ayaa warbixin ay soo saartay waxay ka digtay in haddii aan gargara la gaarsiin dadka tabaaleysan ay xaaladdu intan ka sii dari doonto.

Warbixinta Hay,adda ayaa lagu xusay in ay muhiim tahay in loo istaago sidii loo caawin lahaa dadka kunool geeska Afrika.

NRC ayaa tilmaamtay in ay Soomaaliya qarka u saaran tahay in abaarta ka jirtaa ay isku badasho xaalad macaluul ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post