525 Views

Wararkii ugu dambeeyay Banaanbaxyada rabshadaha wata ee Koonfur Afrika

Wararkii ugu dambeeyay Banaanbaxyada rabshadaha wata ee Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Banaanbaxyo rabshado wata ayaa kusii baahaya dalka Koonfur Afrika, kaa oo lagu dalbanaya sii deynta Madaxweynihii hore Jecob Zuma oo maalintii 5 aad xabsi ku jira.

Dadkaan ayaa boob baahsan u geystay suuqyo ku yaalla magaaloyinka Durban oo boobku ka bilowday iyo Johannesburg, waxaana barbar socday meelaha qaar oo ay dab qabadsiinayeen.

Afar muwaadinin Soomaaliyeed ayaa shaqaaqooyinkan ku naf waayey, 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana boob loo geystay ganacsiyo badan oo ay Soomaalidu ku leedahay magaalooyinka Durban iyo Johannesburg.

Cabsi badan ayaa soo wajahday ganacsatada Soomaaliyeed waxaana gabi ahaanba la xiray ganacsiyada ay Soomaalida ku leedahay magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria.

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka hadlay qalalaasahan dalkiisu ka bilowday ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado, waxa uuna faray ciidamada militariga iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran inay xakameeyaan dadka rabshadaha wada.

Cismaaciil Cabdi Aadan oo ka mid ah Jaaliyadda Soomoaaliyeed ee magaalada Durban ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in cagta la mariyay ganacsiyada Soomaalida ay ku leedahay Durban iyo naxaawigeeda.

Koonfur Afrika oo ay ka mid dalalka ay Soomaalida ku badantahay ayaa sanad walba waxaa lagu dilaa muwaadiin Soomaaliyeed, iyadoo boob baahsan loo geysto hantida Ajaaniibta oo ay Soomaalida ku jirto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post