465 Views

Guddoomiyaha Maxaas oo sheegay in ay soo furteen dad iyo xoolo Al-shabaab Af-duubteen

Guddoomiyaha Maxaas oo sheegay in ay soo furteen dad iyo xoolo Al-shabaab Af-duubteen
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 7, 2022

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhaxeeya Dadka deegaanka iyo Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceeley oo 28 KM u jira degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay in ay soo furteen dad iyo xoolo ay Al-shabaab ka afduubteen deegaanno hoos yimaada degmadaasi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay in khasaare ay gaarsiiyeen Al-shabaab, isla markaasna ay ka qabsadeen deegaano hoos yimaada degmada Maxaas.

Al-shabaab ayaa dhacdooyin isugu jira dilal iyo gubida Ceelal iyo Xarruumo Isgaarsiineed ka waday deegaannada hoos yimaada Gobolka Hiiraan , taasi oo sababtay in dadka shacabka ah, si iskood ah isu abaabulaan.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post