2136 Views

Xafiiska Taliye kuxigeenka koowaad ee Hey’adda Nabadsugida oo la jabsaday

Xafiiska Taliye kuxigeenka koowaad ee Hey’adda Nabadsugida oo la jabsaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 20, 2018 –  Warar saacadihii la soo dhaafay si weyn la isla dhex marayay ayaa sheegaya in habeen hore la jabsaday Xafiiskii Taliye kuxigeenka koowaad ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen. Cabdalla Cabdalla Maxamed oo maalmo ka hor shaqo joojin lagu sameeyay.

Arrintan ayaa shaki badan dhalisay, iyadoo sawiro laga soo qaaday xafiiska la jabsaday ay muujinayeen Document-yo daadsan dhulka, qalab Computer ah oo la furay iyo agabyo kale oo xafiiska yaallay oo ka dhex muuqday isku dhex yaac iyo kala daadsanaan.

Xafiiska Taliye kuxigeenka koowaad ee Nabadsugida ayaa ku yaalla xarunta Guud ee Hey’adda Guriga Habar Khadiijo loo yaqaano, waxaana su’aal ka taagan tahay sida ay ku suura gashay in sawirada xafiiska oo la jabsaday banaanka soo baxo iyo cidfa ka dambeysay.

Tallaabadan ayaa imaaneysa, iyadoo Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Xuseen Cismaan Xuseen uu dalka ka maqan yahay, isla markaana uu xilka Si KMG ugu dhiibay Madaxa Xafiiskiisa C/llaahi Aadan Kulane oo la sheegay in aanu ciidan aheyn, isla markaana su’aalo ka taagan tahay sharcinimada inuu kusime noqdo.

xafiiska-nisa-lajabsaday-3 xafiiska-nisa-lajabsaday-2 xafiiska-nisa-lajabsaday-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment