354 Views

Dab khasaare u geystay xargaha internet-ka ee dul mara buurta Kaliminjaro ee dalka Tanzania

Dab khasaare u geystay xargaha internet-ka ee dul mara buurta Kaliminjaro ee dalka Tanzania
____________________________________________________________________________

Khamiis:NOVEMBER 3, 2022

Dabka oo ka kacayay buurta Kilimanjaro ee dalka Tanzania, ayaa waxyeelo uu u geystay qaar kamid ah fiilooyinka xargaha internetka, oo saddex bilood kahor lagu rakibay buurtaasi.

BBC-da ayaa aragtay fiilo dhererkeedu ka badan yahay 4km, oo uu dabku waxyeeleeyay, taasoo marta wadada Marangu.

Maamulka Tansaaniya, ayaan wali shaacin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dabkaasi.

Burburka fiilooyinkan, ayaa khalkhal galiyay isku xirka internetka meesha ugu sarraysa ee fiilooyinka lagu rakibay, taasoo gaadhaysa joog dhan 3,720m. Buurtu waa meesha ugu sarreysa qaaradda Afrika, dhererkeedu waa 5,895m oo u dhiganta (19,341 ft).

Dabka ayaa billowday 21-kii Oktoobar, tan iyo xilligaas waxa uu sii qabsanayey meelo badan, iyadoo boqolaal dab-damis ah ay dadaal ugu jiraan sidii ay u xakameyn lahaayeen.

Xaalad abaareed oo qaatay muddo bilo ah ka dib, ayaa waxaa shalay iyo maanta qeybo ka mid ah buuraha ka da’ay roobab, kuwaasoo damiyay ama yareeyay kasii darista dabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post