882 Views

Xildhibaan Cosoble “Madaxweyne Farmaajo waxaan uga fadhinaa inuu raali gelin ka bixiyo isku daygii dilka ahaa ama sidey wax u dheceen la cadeeyo”

Xildhibaan Cosoble “Madaxweyne Farmaajo waxaan uga fadhinaa inuu raali gelin ka bixiyo isku daygii dilka ahaa ama sidey wax u dheceen la cadeeyo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2019–Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan qorshaha lagu wada hadal siinayo Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin inta badan Xisbiyada mucaaradka dowladda.

 

Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo la soo xiriiray Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif, isagoo dalbanayay wada hadal, waxaana af cad loogu sheegay in wixii wada hadal ah ay dhex mari karaan xubnaha Madasha iyo madaxda dowladda.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ergo ahaan u soo diray Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyadoo  la isla qaatay in la wada hadlo, inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka hadlo waqtiga rasmi ahaan ay dhaceyso wada hadalka.

 

Mr. Cosoble ayaa sidoo kale sheegay inay ka digtoon yihiin in kulanka ay wada yeelan doonaan Madaxda dalka iyo kuwa Madasha Xisbiyada Qaran uu ku koobnaado oo kaliya in sawir la wada galo oo Villa Somalia ku faafiso iney la shirtay Mucaaradka dowladda, balse ay doonayaan in qodobada taagan meel la saaro.

 

“Marka lala fariisto ma rabno oo kaliya in Sawir la qaato oo la yiraahdo Madaxweynihii ayaa la kulmay kaliya ee la iska tago, ee waxaan rabnaa Madaxweynaha inuu soo saaro dhibka uu noo geystay isaga iyo Ra’iisul Wasaarihiisa diyaaradeenii oo socoto isku dayga dilka ahaa inuu wax ka yiraahdo oo uu dhaho sidaan iyo sidaanee wax u dhaceen ama uu Raali gelin ka bixiyo” ayuu yiri Xildhibaan Cosoble oo u waramay Telefishinka Somali Cable.

 

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in mudada halka sano ee xafiiska uga hartay uu dadaal ku bixiyo sidii Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ay matalaad ugu yeelan lahaayeen Baarlamaanka, isagoo sheegay in arintan ay qeyb ka eheyd waxyaabihii uu ku soo ololeeyay Farmaajo, markii uu musharax madaxweyne ahaa sanadkii 2016.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment