837 Views

Koofur Galbeed oo maanta qabaneysa doorashada Seddex kursi oo Aqalka Hoose ah.

Koofur Galbeed oo maanta qabaneysa doorashada Seddex kursi oo Aqalka Hoose ah.
____________________________________________________________________________

Sabti: November 27, 2021

Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ah oo Xarunta KMG ah ee maamulka Koofur ay ka dhacdo Seddex kursi oo noqonaya Kuraastii ugu horreesay ee Golaha Shacabka ee lagu doorto Koofur Galbeed Soomaaliya.

Natiijada Kuraasta maanta doorashadooda dhaceysa ayaa ah kuwa la sii ogyahay Cida ku soo baxaysa, maadama kursi kasta uu yahay mid u xiran Xubno hore ugu fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Dhica kale, Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa iyana la filayaa in lagu doorto hal kursi oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka sida ay dhawaan shaaciyeen Guddiga doorashada Galmudug.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post