873 Views

Sheekh Shariif” Dalka Soomaaliya waxaa laga badbaadiyay dagaalo sokeeye”

Sheekh Shariif” Dalka Soomaaliya waxaa laga badbaadiyay dagaalo sokeeye”
____________________________________________________________________________

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyay heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu gaaray Magaalada Muqdisho si dalka uu u aado doorasho loo dhan yahay.

Sheekh Shariif oo hadal ka jeediyay Munaasabad lagu sagootinayay Madaxda dowlad goboleedyada ayuu uga mahad celiyay doorkii ay ka qaateen in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

“ Waxaan u mahad celinayaan cid kasta oo ka hortagtay in dalka uu galo dagaal sokeeye, sida Ciidamada Qalabka sida, Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaan soo marnay marxalad culeyskeeda leh laakin aan u mahad celinayaan dadkii ka hortegay ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen inay yihiin kuwo u bisil dowladnimada una diyaarsan doorasho loo dhan yahay oo ka dhacda dalka oo dhan.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilli dhawaan Madaxda Madasha wadatashiga Qaran ay heshiis ka gaareen arrimaha doorashooyinka, isla markaana dhawaan la filayo inay bilaawdaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post