1149 Views

War Deg-deg ah; Saxafiyiinta oo goor dhow looga yeeray Madaxtoyada Hirshabelle

War Deg-deg ah; Saxafiyiinta oo goor dhow looga yeeray Madaxtoyada Hirshabelle
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 27|  2020—Waxaa goor dhow loo yeeray qaar ka mid ah weriyaasha ku sugan magaalada Jowhar iyadoo lagu wado in guddiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka labaad ee Hirshabelle goor dhow ay ku dhowaaqaan xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.

Xubnaha xildhibaanada ee lagu wado in lagu dhowaaqo ayaa tiradoodu gaareyso illaa toddobaatan xildhibaan, waxaana xildhibaanada ay isugu jiraan kuwii hore iyo kuwo cusub.

Ku dhowaaqista liiskan ayaa waxa uu dib u dhac ku yimid gelinkii dambe ee manta oo lagu waday in lagu dhowaaqo,balse uu dib u dhac ku yimid.

Goor dhow kala soco shabakada warbaahinta Jowhar.com liiska xildhibaanada baarlamaanka labaad ee Hirshabelle.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post