387 Views

Ergeyga gaar ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo booqday xaaladda dad kusoo barakay Muqdisho

Ergeyga gaar ah ee arrimaha Gurmadka Abaaraha oo booqday xaaladda dad kusoo barakay Muqdisho
____________________________________________________________________________


Axad: June 5, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta u kuur galay xaaladda dad kusoo barakay magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.

Nafaqo darradan oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka, ayaa carruurtan loo keenay Isbitaalkaa, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka kuwaasi oo ay abaaro baahsan ka jiraan.

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed, ayaa uga war bixisay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, waxay ay sidoo kale Agaasime Fartuun sheegtey in aad loogu baahan yahay in si deg deg ah arrintaan wax looga qabto.

Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada IWM.

Sababaha ugu badan ee arrintan ayey ku sheegeen dadkaan in aysan helin cunto fiican taas oo sababtay in ay dhaqaale ahaan noloshooda dabbari karayn, oo ay yihiin dad danyar ah oo aan awood u lahayn maaraynta noloshooda iyo ubadkooda.

Agaasime Fartuun ayaa sheegtay in ay hadda Isbitaalka ku sugan yihiin 220 carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrada ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay buuxsameen sariirihii loogu tala galay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post