762 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Rooble ka hadlay Markii ugu horaysay dagaallada ka soo cusboonaaday Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Rooble  ka hadlay Markii ugu horaysay dagaallada ka soo cusboonaaday Galmudug
____________________________________________________________________________

Sabti: October 2, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Saacado kadib ka hadlay Markii ugu horaysay dagaallada kasoo cusboonaaday deegaanada Galmudug ee u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo maamulka Galmudug.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Rooble ayaa sidaan lagu yiri.

Hoos ka aqriso qoraalka Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  waxa uu wax laga xumaado u arkaa xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanno ka tirsan Galmudug.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka tacsiyadeynayaa dadka ku dhintay iska hor-imaadyada dhacay wuxuuna caafimaad deg deg ah Alle uga baryayaa dadkii dhaawacmay.

Galmudug waxaa ka jirta Dawlad-Goboleed haysata sharciyad buuxda iyada ayaana mas’uul ka ah amniga deegaannada  Galmudug , sidaas awgeed waa in laga dheeraado  tallaab kasta oo u muuqata mid lagu carqaladaynayo Galmudug.

Cid kasta oo qabta tabasho waa in ay u martaa xalka dariiq nabadeed, waana in la joojiyaa abaabulka hubaysan iyo weerarada baal-marsan sharciga taas oo halis ku ah xasilloonida, nidaamka iyo kala danbaynta.

Hoggaanka Galmudug waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nabadgalyada, kala danbaynta iyo wadajirka reer Galmudug, waana in si deg deg ah loo xalliyo xiisadaha iyo khilaafaadka kale ee aan rabshadaha wadan .

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqayaa dhamaan reer Galmudug maamul iyo shacab in ay gacmaha is qabsadaan una midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab iyo cid kasta oo halis ku ah xasilloonida, dowladnimada iyo horumarka Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post