477 Views

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo Si Cajiib ah uga Hadlay Ceyrintii Faransisco Madera

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo Si Cajiib ah uga Hadlay Ceyrintii Faransisco Madera
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 7, 2022

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Sidaan ku Daabacay Facebokiisa:

Ugu yaraan 3 safiir oo Qaramada Midoobay ah, 3 Ingiriis ah, 3 Midowga Yurub ah, 3 Swedan ah iyo 3 Talyaani ah oo ka tirsan C6+ ayaa isbedelay 7dii sano ee uu Ambassador Madeira dalka joogay.

Horay uma dhicin safiir Midowga Afrika ka socda oo 3 sano ka badan dalka joogay. Dhow jeer oo hore oo ay mucaaradku ka gudbiyeen ashtako la xariirta habdhaqankiisa xeerka diblomaaasiyada khilaafsan iyo xiriirka mugdiga leh ee kala dhexeeya madaxweynaha xilkiisa dhamaaday.

Farmaajo ayaa difaacay. Waxaan kaloo xog ku haynaa in markasta oo labo jeer oo la bedeli lahaa uu Farmaajo codsaday in xilka loo cusboonaysiiyo.

Madeira si curfiga diblomaasiyadda ka baxsan oo aan sariig lahayn ayuu bannaanka isu soo dhigay. Cidna ma eryin ee Isagaa afkiisa isku eryey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post