669 Views

Deni oo Shaqada ka joojiyay shirkadda BNO oo hoos tagga shirkadda DP World.

Deni oo Shaqada ka joojiyay  shirkadda BNO oo  hoos tagga shirkadda DP World.
____________________________________________________________________________

June 15 2021

 Madaxweynaha Puntland Siciid Candullaahi (Deni) ayaa sheegay in la joojiyey lacagihii shirkadda BNO ka qaadi jirtey dekedda Boosaaso, oo hoos tagga shirkadda DP World.

Hadalkan ayuu maanta ka sheegay Madaxweyne Deni xarunta baarlamaanka Puntland, oo uu ka furayey kalfadhiga 48-aad ee baarlamaanka Puntland.

Hadalka Deni ayaa imanaya xili ay jiraan dad wali ka walaacsan in aan shaqo laga bilaabin dekedda, oo ay shirkadda DP World la wareegtay afar sano kahor

Shirkadan DP World ee laga leeyahay Emirate-ka, ayaa heshiisyo la gashey maamulada Somaliland iyo Puntland, taasoo ay isku maan dhaafeen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post