945 Views

Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyey Tirada Ururada ay diiwaangeliyeen

Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyey Tirada Ururada ay diiwaangeliyeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 19, 2020 —Guddiga doorashooyinka KMG ah ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay ku dhawaaqeen Tirada Ururada siyaasadeed oo ay diiwaangeliyen saddexdii Bilood oo ay ku guda jireen Diiwaangleinta Ururada.

 

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Guuleed Saalax Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay diiwangeliyeen 17 Ururo Siyaasadeed,kuwaas oo uu sheegay inay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay jiraan Afar Urur Siyaasadeed oo ana weli soo buuxin shruudaha,hayeeshee dhawaan markii ay soo dhameystiraan ay soo bandhigi doonaan,iyaga oo ku biiraya 17 Urur ee Guddigooda sida hordhaca ah uu u diiwaangeliyey.

 

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu soo bandhigay Magacayada 17-ka urur oo ay diiwaangeliyeen,iyaga oo sidoo kale sheegay in ururrada siyaasadda laga doonayo in ay soo dhammaystiraan shuuudaha ugu dambeyn 22-ka bisha Apriil ee sannadkan 2020.

 

Hoos Ka Akhriso Magacyada 17-ka Urur Siyaasadeed ee la diiwaangeliyey.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment