2142 Views

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegay in khasaare gaaraya $35 Million oo dollar uu geysteeen Roobabkii mahiigaanka ee ka da’ay Muqdisho

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegay in khasaare gaaraya $35 Million oo dollar uu geysteeen Roobabkii mahiigaanka ee ka da’ay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  21 Maajo 2018 – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in roobabkii mahiigaanka ahaa ee Caasimadda ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar.

Duqa Caasimadda ayaa xusay khasaaraha ka sakow in ay jirto dhibaatooyin bini’aadanimo oo gurmad deg-deg ah u baahan, gaar ahaan cunno iyo agab caafimaad, si xaaladda wax looga qabto, isagoo xusay in maamulkiisu uu la tacaalayo xal-u-helidda dhibaatada roobabka ka dhashay iyo in goobihii ay biyuhu fariisteen laga wado olole ballaaran oo dib loogu soo celinayo bilicda.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn ka warbixiyey baaxadda khasaare ee naf iyo maalba leh oo ka dhashay daadadka roobka, waxuna tilmaamay in tirakoobkii ugu danbeeyey ee la sameeyey uu xaqiijinayo dhimashada 6 qofood oo seddex kamid ah yihiin caruur da’doodu ka yar-tahay 12 sanno, burburka guryo gaaraya 301 iyo burburka qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda, sida, Laamiga shaqaalaha ee degmada Hodan, Laamiga Dabka iyo Bakaaraha isku xira, Laamiga Cabdalla iyo Cawareero ee Warta-Nabadda, Laamiga Janaraal Daa’uud iyo Jidad kale.

Eng. Yarisow ayaa ka digay in roobabka xooggan ay sii xumeynayaan xaaladaha ka jira xerooyinka barakacayaasha oo ay ku nool yihiin barakacayaal xad-dhaaf ah, isla markaana ay barakacinayaan dad kale oo badan oo ku nool deegaannada u dhow biyo-dageenada iyo sidoo kale dad danyar ah oo ku noollaa guryo cooshado ka sameysan.

Xerooyinka Barakacayaasha ee Caasimadda waxaa inta badan ka maqan xarumo fayo-dhowr ah, sidaasi darteedna waxaa ay taasi sare u qaadeysaa halista ay ugu jiraan cudurrada faafa.

“Waxaan ugu baaqayaa Hay’adaha gargaar iyo guud ahaan cid walba oo wax haysata in cunno iyo agab caafimaad oo de-deg ah lala soo gaaro shacabka dhibaataysan, sida ay saadaashu tilmaamayso waxaa la filayaa roobab dheeri ah oo xaaladda kasii dari kara, sidaas daraadeed waa in loo diyaar garoobaa gurmadkuna noqdaa mid yimaada waqtiga ku habboon”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Caasimadda iyo ciidamadda qaranka doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen gurmadkii la sameeyey, waxuna ka codsaday in ay sii xoojiyo gurmadka si dhibaatada looga saaro shacabka Soomaaliyeed.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment