2730 Views

RW Kheyre oo la filaayo in uu taggo Hobyo

RW Kheyre oo la filaayo in uu taggo Hobyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 07, 2018 – Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu waddaa in ay taggaan Magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro iyo qaar ka mid ah Safiiradda Beesha Caalamka.

Kheyre ayaa lagu waddaa in uu xariga ka jaro  dhimsaha Wadada isku-xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo dib-udhis lagu sameeyay,iyo sidoo kale mashaariic kale oo halkaasi laga fulinayo.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in uu kormeer ku taggo Dekedda Degmada Hobyo.

Guddiga Gob oo dhisay Wadada iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa Risaala u xaqiijiyay tagitaanka Hobyo ee Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Wadada isku-xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa waxaa dhisay Bulshadda kunool gobolka Mudug, waxaana dhismaheeda uu socday Sanado badan.

.

W/Q:- Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment