1557 Views

Maxaa Kataqaan Hawlaha Shaqo Oo uu qabto Bangiga Dhexe ?

Maxaa Kataqaan Hawlaha Shaqo Oo uu qabto Bangiga Dhexe ?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 13, 2019 –Wadan walba oo caalamka ka tirsan wuxuu leeyahay Bangi dhaxe, mayagacyada loogu yeero wey kala duwan yihiin laakiin 90% isku shaqo ayey qabtaan.

Wadanka Mareykanka waxaa loogu yeeraa The Federal Reserv ama waxey u soo gaabiyaan The Fed. Wadanka Ingariiska waxey ugu yeeraan The Bank of England waana Bangiga Dhexe ee labaad ee caalamka ugu qadiimsan waxaa la aassaasey 1695. Waxaa ka horeeyey keliya Bangiga Dhexe ee dalka Sweden ( Riksbanken) oo la aassaasey 1668. Wadamada reer Galbeedka badankood wixii ka danbeeyey 1800 waxey lahaayeen Bangiyo Dhexe.

Haddaba maxey tahay shaqada uu qabto Bangiga Dhaxe ?

Bangi Dhexe waa bangi qaranka uu leeyahay wuxuuna hagaa siyaasada ama nidaamka lacagta ee uu wadan leeyahay. Wuxuu daabacaa, keediyaa islamarkaana ilaaliyaa lacagta wadanka, wuxuu kaloo keediyaa haddii wadanku leeyahay Dahab iyo lacagta qalaad (dollar, euro, yen iwm). Wuxuu kaloo keediyaa lacagta dowladda.

Wuxuu ka shaqeeyaa In dhaqaalaha wadanka gaar ahaan qiimaha lacagta jahwareer ku dhicin, Wuxuu ka hortagaa ama la dagaalaa Sicirbararka ( inflation), wuxuu sugnaan u yeelaa sicirka suuqa ( to keep price stable), wuxuu xoojiyaa kalsoonida lacagta, wuxuuna ka qayb qaataa shaqo abuurka.

Bangiga Dhexe wuxuu kaloo hagaa nidaamka ama sharciyada ay ku shaqeynayaan Bangiyada ganacsiga ee gaarka loo leeyahay,Lacagta sarifka qalaad ayuu go’aamiyaa.

Wuxuu  Bangiga Dhaxe go’aamiyaa tirada lacagta la daabacayo maxaa yeeley haddii lacag badan layska daabaco oo suuqa gasho waxaa ka dhalan kara sicirbarar, haddii lacag yar la daabaco oo suuqii lacag laga waayo waxaa istaagaya kala iibsigii badeecada marka Bangiga Dhaxe wuxuu mas’uul ka yahay la socod lacagta dalka gudahiisa wareegta, asaga oo hadba inta loo baahan yahay daabacayo.

Bangiga Dhaxe wuxuu ammaah siiyaa Bangiyada gaarka loo leeyahay ee ganacsiga . Wadamada reer Galbeedka ammaahda Bangiyada gaarka loo leeyahay Bangiga Dhexe siiyo waxaa la socda dulsaar (interest).

Dulsaarka waxaa lagu maamulaa dhaqaalaha wadanka qayb kamid ah. Tusaale marka wadanku ka dhacdo shaqo la’aan oo warshidihii u xirmaan lacag la’aan, Bangiga Dhaxe wuxuu lacag ammaahiyaa Bangiyada ganacsiga, wuxuuna hoos u dhigaa qiimaha dulsaarka.

Haddii lacagta dulsaarka ( interest) ee dalka ahaa 2.5% wuxuu ka dhigayaa Bangiga Dhaxe qiimaha dulsaarka 0.5 % ama 1% si ganacsatada ugu fududaato in lacag ammaahdaan si ganacsigooda u maalgeliyaan oo warshadihii xirmey dib loogu furo, shaqo abuurna u sameysmo. Taa bedelkeeda wadanku marka uu xilli ladnaan ku jiro, dadka oo idil wada shaqeeyaan, iibsigu bato si aan u dhicin sicirbarar ku yimaada cuntada iyo iibsiga guryaha, Bangiga Dhaxe wuxuu kor u qaadaa dulsaarka lacagta ammaahda ilaa 3% ama ka badan ayuu gaarsiiyaa, wuxuuna wasaarada maaliyada iyo Baarlamaanka ku wergeliyaa in la kordhiyo canshuurta si lacagta badan ee suuqa wareegta loo xakameeyo, qiimaha maciishada iyo mida guryaha u noqdaan mid degan ( stable) ah.

Bangiga Dhaxe waayihii hore wuxuu xitaa ammaah siin jirey xukuumada marka miisaaniyada dowladu hoos u dhacdo ama buuxin kari weyso oo ay heli weydo xukuumada dakhli ku filan, laakiin hadda wadamada reer Galbeedka arrintaa wey joojiyeen, Bangiga Dhaxe ammaah ma siiyo xukuumadda wuxuu u keediyaa dakhliga wuxuuna dib u siiyaa goorta ay soo codsadaan.

Waxaa xusid mudan Bangiga Dhaxe waa hay’ad dowli ah oo ka madaxbanaan xukuumadda waxey hoos tagtaa Baarlamaanka balse waxey wada shaqeyaan wasaarada maaliyada.

Soomaaliya Bangiga Dhaxe maba haysto lacag uu siyaasadiisa hago waxaana socda qorshe lagu soo daabacayo Shilin Soomaali cusub, arrintaas waxaa qayb ka ah World Bank iyo IMF si Shilin Soomaaliga qayb ugu noqdo lacagta la’is dhaafsado ganacsiga aduunka.

Qore: Ilyas M Hussein

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment